Qorshe lagu xoojinayo amniga xarumaha degmooyinka oo ka bilowday Muqdisho

Dowladda Somalia ayaa xoojisay Amniga xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir ka dib markii kooxda Al-Shabaab ay bilowday qorshe ay ku beegsaneyso xarumahan

Talaabadan ayaa timid ka gadaal markii labo todobaad gudahood weeraro isqarxin ah oo loo adeegsaday gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey lagu burburiyey xarumaha degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag.

Ciidamo hor leh oo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa la geeyay xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir, si ay u xaqiijiyaan amniga.

Xarumaha degmooyinka qaar ayaa la sheegay in jidadka gala lagu gooyey dhagxaan waaweyn iyo biro, iyadoo sare loo qaaday feejiganaanta dhanka ammaanka ah.

Qaar ka mid ah maamulada degmooyinka  ayaa  sheegay inay yaraadeen dadka u adeeg doonta xarumaha degmooyinka iyagoo ka cabsi inay waxyeelo ka soo gaarto weeraro laga yaabo xarumahaasi in lagu soo qaado.

Qarax ismiidaamin ah ayaa lagu weeraray shalay xarunta degmada Hodan oo ay ku dileen shacab iyo ciidan, waxaana ka horeeyey weerar la mid ah oo todobaadkii hore bilawgiisa lagu qaaday xarunta degmada Hawlwadaag.

Al-shabaab oo looga bartay in weerarada ay geysanayaan ay mar walba yeeshaan wejiyo cusub ayaa u muuqata iney markan beegsaneyso xarumaha degmooyinka Muqdisho oo amaankoodu ka jilicsan yahay xarumaha kale ee dowlada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -