Allbanaadir.com
NEWS

Shir muhiim u ah dowladda Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi (Sawirro)

Waxaa maanta Magaalada Nairobi ka furmay shirka hannaanka deyn-cafinta Soomaaliya, kaas oo socon doona muddo Afar maalmood ah, waxaana goobjoog ka ah qaar ka mid ah hey’adaha Dowladda Soomaaliya oo hoggaan ay u tahay Wasaaradda Maaliyadda iyo IMF/Bangiga Adduunka.

Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa diiradda lagu saarayaa horumarinta soosaarka Dakhliga gudaha, hirgalinta nidaamka maamulka maaliyadda guud iyo dib-u-habeynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Elmi Mahamoud Nur ayaa sheegay in ay qaadayaan talaabo dowladeed oo loo dhan yahay si loogu guuleysto fulinta qorshayaasha horumarineed ee dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo dhameystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Related posts

Burcad dhac ka geesaneysay xaafad katirsan Muqdisho oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Siyaasi Da’yar oo todobaad kahor laga soo daayay xabsi oo loo doortay Madaxweyne

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay xaalada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---