Golaha wasiirada Somalia oo ansixiyey Jiheynta Hannaanka Doorashooyinka dalka

Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo uu  shir guddoominayey ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyay Jiheynta Hannaanka Doorashooyinka dalka, dib-u-eegista ku talagalka Miisaaniyadda Dowladda 2023.

Golaha wasiiradda ayaa sidoo kale ansixiyey magacaabista Maamulka Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha iyo magacaabista maamulka Hey’adda Qaxoootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

Afhayeenka Xukuumadda Mudane Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa shirka golaha kadib la hadlay Warbaahinta, isagoo faahfaahiyay qodobbada ka soo baxay kulan khamiis laha ee golaha wasiiradda.

HOOS KA DAAWO FAAHFAAHINTA AFHAYEENKA.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -