Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Baaq muhiim ah u diray Madaxweyne Farmaajo

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hogaamiya Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya in uu ixtiraamo dastuurka dalka u yaala soona magacaabo Ra’isul Wasaare.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in uu qarka u saaran yahay in uu jebiyo soo jireenkii dastuuriga ahaa ee dhigayay in Ra’isul Wasaaraha kusoo magacaabo mudo 30-cisho gudaheed ah.

”Madaxweyne Farmaajo in uu noqdo madaxweynihii ugu horreeyey ee jebiya soo jireenkii dastuuriga ahaa, waxey xoojineysaa dhaqankiisii dastuur ku tumashada ahaa. Waxey kaloo tilmaam ka bixineysaa ninkii 30 beri ixtiraami waayey, in aan laga sugaynin in uu aqbalo in 4-tii sano ka dhammaatay. Ninka aan dastuur ixtiraamaynin maxaa lagu aaminayaa in uu dhowro?” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaana ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in uu soo magacaabo Ra’isul Wasaare dalka ka bixiya xiligan adag ee kala guurka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mudo 30-cisho ah ku qaadatay in uu soo magacaabo Ra’isul Wasaarihii bedeli lahaa Xasan Cali Kheyre oo xilka iska casilay, walina lama oga xiliga Madaxweyaha soo magacaabi doono Ra’isul Wasaaraha cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -