Booliska Soomaaliya oo xoog ku soo furtay ilmo yar oo afduub loo heystay

Booliska Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa ku guuleystay inay soo soo furtaan ilmo yar oo laga afduubtay mid ka mid ah Xaafaddaha Magaaladaas.

Burcada afduubatay ilmaha yar ayaa waalidiinta dhalay soo waydiistay lacag madax furasho ah si ay u soo daayaan balse waalidka ayaa wargeliyey Booliska.

Gudoomiye ku-xigeenka Maaliyada iyo siyaasada gobolka Hiiraan Mudane Abuukar Cabdullaahi Maadey ayaa kaga mahadceliyay  laamaha amaanka Baladweyne oo gacanta  ku soo dhigay cunuga yar oo lagu aftuubtay xaafada Howladaag.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Ciidanka Booliska ay gacanta ku soo dhigeen kooxihii ka dambeeyay, isla markaana sharciga la horkeeni doono isagoo Booliska ku bogaadiyey howlgalka ay fuliyeen.

Shacabka magaalada Beladweyne ayaa si diiran u soo dhoweeyey howlgalka ay ciidanka Boolisku ku soo furteen ilmaha yar, iyadoo dhacdadan ay noqotay dhacdo ugub ku ah shacabka magaaladaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -