Laftagareen oo qirtay qaladaad culus oo dad badan yaab iyo amakaag ku noqday

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa qirtay qaladaadkii uu sameeyey doorashadii xubnaha golaha shacabka ee sanadkii hore ka dhacday magaalada Baydhabo

Laftagareen oo xalay la hadlayey waxgarad ku sugan magaalada Xudur oo uu booqasho ku joogo ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo lama filaan ku noqday Soomaali badan.

Waxaa sheegay inuu diiday in la aado doorasho qof iyo cod ah, balse uu doortay mid dadbadan oo uu dano gaar ah ka lahaa.

“Waxa aan u noqday Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxay ahayd inaan xildhibaano soo saarto qofna aan iraahdo waxba ma lihidee iska bax, qofna aan dhaho waxbaad leedahay intaas haddii aanan sameyn karin oo wixiiba shacab ay qabsanaayaan maxaan madaxweyne ka soo doonay” ayuu yiri Cabdicasiis Laftagareen.

“Sida aan markaas rabay ayay ILAAHEY qadartiisa ku soo dhammaatay xildhibaanadii in la qoro ayay noqotay tii aan rabay oo aheyd adiga wax ma lihid adigane waxbaa leedahay waa la suubiyay, laakiin maanta kii wax helay waa xanaaqsan yahay kii kale oo wax waayayna waa xanaaqsan yahay meel qabow iyo meel foyow midna Ma jirtio”.

Waxaa uu xusay inuu ka qoomameeyay falkaasi, isagoo sheegay inuu ka dhaxlay dakano siyaasadeed, maadaama uu rag badan ka reebay baarlamanka kuwaasoo qaarkood xitaa uu ka hor joogsaday iney tagaan magaalada Baydhabo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu si weyn u taageersan yahay heshiiska cusub ee golaha wadatashiga Qaranka ku saxiixeen Muqdisho kaasoo dhigaya in la qabto sanadka 2026ka doorasho qof iyo cod ah, taladana lagu celiyo shacabka si ay u doortaan dadka ay doonayaan.

HOOS KA DAAWO HADALKA LAFTAGAREEN

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -