Dil goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo ciidamada amniga oo howlgalo wada

Askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada amniga dowlada Somalia ayaa goor dhow lagu dilay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in kooxo bastoolado ku hubeysan ay ka dambeeyeen dilka askariga oo xiligaas ahaa mid aan shaqada ku jirin.

Kooxaha dilka geystay ayaa la sheegay iney deg deg uga baxsadeen goobta.

Ciidamada amaanka ayaa gaaray halka lagu dilay askariga oo ah agagaarka Ex-baar ha i dhaafin oo ku yaalla wadada buundooyinka qeybta degmada Waaberi.

Dilalka noocan ah ee loo geysto ciidamada iyo dadka kale eev la shaqeeya dowlada ayaa ka mid ahaa sanadahan dambe nolol maalmeedka dadweynaha Muqdisho. Shalay ayeyna aheyd markii lix qof oo isugu jiray shacab iyo ciidan siyaabo kala duwan loogu dilay caasimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -