Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo soo bandhigtay hub badan iyo dad lagu qabtay magaalada Muqdisho (Sawirro)

Ciidamada Ammaanka ayaa howlgal qorsheesan ay ka fuliyeen guri kuyaalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxa ay kusoo qabteen hub nuucyo kala duwan ,qaraxyo iyo gaadiid.

Howlgalkan ayaa ciidamada ka sameeyeen goob bartilmaameed ah , waxaana ciidamada la sheegay in howlgalka sidoo kale kusoo qabteen labo nin oo la tuhmayo iyo gaari.

Dowladda Soomaaiya ayaan faah faahin badan ka bixin howlgalkan qorsheesan ee maanta lagu soo qabtay hubka iyo gaadiidka, waxa ayna dowladda sheegtay in hubkan Al Shabaab leeyihiin.

Hubkan ee dowladda soo bandhigtay ayaa waxaa ku jira qoryaha garbaha laga tuuro ee loo yaqaan sabanka iyo sidoo kale bambooyinka nuuca gacanta laga tuuro .

Related posts

Tirada Soomaalida iyo dadka kale ee Carbeed ee Mareykanka ku galay Viisaha oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Ciidamada Ahlu sunna oo ka baxay qeybo ka mid ah Dhuusamareeb & Shiikh Shaakir oo..

Caydiid Ali

Haweeney ajnabi ah oo caawa iska soo tuurtay dabaqa sare ee hotel ku yaalla Garowe

Caydiid Ali