Booliis Sabab u noqday geerida haweeney 95-sanno jir aheyd iyo qeylo dhaan ka dhalatay

7Askar katirsan ciidamada booliiska dalka Australia ayaa sabab u noqday geerida haweeney 95 sanno jir aheyd oo ku sugneed xarun lagu xanaaneeyo dadka waayeelada ah oo kutaalla magaalada Cooma.

Booliiska ayaa si deg deg ah u gaaray xaruntii ay ku sugneed haweeneydan waayeesha ah , kaddib markii booliiska la gaarsiiyay qeylo dhaan la xariirtay in haweeneydan oo toorey wadata ay dhax wareegeyso gurigii ay degneed.

Ciidamada ammaanka ayaa markii ay gaareen xaruntii ay ku sugneed haweeneyda waayeesha ah oo magaceeda lagu sheegay Clare Nowland, waxa ayna booliiska haweeneydan ku qabteen qalabka loo yaqaan leesarka korontada.

Haweeneydan ayaa la sheegay markii leesarka indhaha looga qabtay in dhulka ku dhacday uuna madaxa kasoo gaaray dhaawac culus oo dhaliyay dhiig bax, waxaana markii loola cararay isbitaalka la sheegay in ay geeriyootay.

Askarigii sababta u ahaa geerida haweeneydan da’da aheyd ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah, waxaana socda baaritaano dheeraad ah oo booliiska ku saneenayaan kiiska geerida haweeneydan ku sugneed xarunta lagu xanaaneeyo.

Qeylo dhaan dadweyne oo xooggan ayaana ka dhashay kiiskan booliiska sababta u noqdeen geerida Clare Nowland, waxa ayna dadka qaar codsanayeen in wax laga bedelo habka booliiska ula dhaqmaan waayeelada iyo adeegsiga qalabka leesarka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -