Allbanaadir.com
NEWS

Go’aan kasoo baxay Madaxweyne Deni iyo golihiisa Wasiirrada oo laga hor yimid (Akhriso)

Madasha Siyaasadda Puntland oo ay ku midaysan yihiin hoggaamiyeyaal isbeddel-doon ah  ee ka jira Puntland ayaa si adag uga horyimid go’aankii xukuumadda Madaxweyne Deni ku ansixisay in wax laga beddelo Dastuurka u yaalla maamulkaasi.

Bayaan kasoo baxay Madasha Siyaasadda Puntland ayey uga hor yimaadeen qaraarkii golaga wasiiradda Puntland wax uga badaleen Dastuurka kuna kordhiyeen xisbiyada siyaasadda ee u tartamaya doorashada soo socota.

“Madasha Siyaasadda Puntland waxay si xooggan uga soo horjeeddaa ansaxin-ku-sheegga sharci-darrada ah ee Golaha Wasiiraadu ay 4tii May 2023 wax uga baddaleen Dastuurka Puntland. Waxaan ugu baaqaynaa MD. Siciid Deni iyo Xukuumadiisa in ay joojiyaan wax ka beddelka Dastuurka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Madasha.

Madasha Siyaasadda Puntland ayaa Maxkamada Dastuurka ee Puntland ugu baaqday in ay gudato wajibaadkeeda Dastuuriga oo ay hor istaagto in wax ka baddel lagu sameeyo Dastuurka oo ah heshiis bulsho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada :Shaqaale Soomaaliyeed oo ka shaqeyn doona Koobka Adduunka ee lagu qabanayo Qatar

Cabdi Cade

Shir Xasaasi ah oo laga yeeshay saameynta Canshuurta cusub ku yeelatay Isbitaalada

Cabdi Cade

Saraakiil sare & shacab Maxkamad loo soo taagay qaraxii ka dhacay Magaalada Addis ababa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---