Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu dambeeyay Xiisad ka dhalatay dil oo  ka taagan magaalada Baladweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta magaaladaasi ka taagan tahay xiisad ka dhalatay dil wiil dhalinyaro ahaa oo shalay magaaladaasi loogu geestay.

Wadooyinka magaalada Baladweyne qaarkood ayaa lagu arkayaa maleeshiyaad hubeesan oo xiray wadooyinka, waxa ayna maleeshiyaadkan hubeesan ku heeb yihiin Wiilka bajaajlaha ahaa ee shalay Baladweyne lagu dilay.

Maleeshiyaadka hubeesan ayaa sidoo kale lasoo sheegayaa in ay buux dhaafiyeen meel ku dhaw saldhiga booliiska magaalada Baladweyne uu ku xiran yahay askariga shalay dilka geestay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in maleeshiyaadka hubeesan iyo ehelada ninka la dilay ay dalbanayaan in loo soo gacan galiyo askariga dilka shalay u geestay wiil kamid ahaa dhalinyarada bajaajlaha .

Magaalada Baladweyne waxaa ka socda dadaalo lagu doonayo in lagu xaliyo xiisada ka taagan magaalada Baladweyne, waxaana kulamo magaalada ku leh waxgarad kasoo jeeda ehelada ninka la dilay iyo kan dilka geestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Howlgalka ATMIS oo shaacisay in diyaarado Dagaal uga qeyb qaadanayaan dagaalka socda

Cabdi Cade

Halis sii xoojin karta dabka oo ku soo wajahan Los Angeles

Caydiid Ali

Israel oo ka carootay falal ay ku dhaqaaqday dowlada Iran, kuna hanjabtay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---