Xukuumada Somalia oo si adag uga hadashay Muslimiintii lagu laayay dalka New Zealand

War Saxaafadeed kasoo baxay Xukuumada Soomaaliya ayaa si adag loogu cambaareeyay weerarkii naxariis darada ahaa ee lagu laayay dad Muslimiin ah oo ku cibaadeesanayay labo Masjid oo kuyaala dalka New Zealand.

Xukuumada Soomaaliya Warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ay garab taagan tahay dowlada iyo shacabka New Zealand , waxa ayna Xukuumada Soomaaliya tacsi u dirtay qoysaska dhibanayaasha muslimiinta ah ee la laayay.

Halkan ka Akhriso War saxaafadeedka Xukuumada kasoo baxay

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa weerarka argagaxiso ee bahalnimada leh ee lagu qaaday dad Muslimiin ah oo ku tukanayay Salaadda Jumcaha Masaajidda Al nuur iyo  Lindwood ee Magaalada Christchurch ee dalka NewZealand, oo lagu dilay ugu yaraan 49 ruux, laguna dhaawacay dad badan 20 ruux, oo ay ku jireen caruur iyo dad da’ ah, fal dambiyeedkani naxdinta leh waxa uu ka qeyb yahay naceybka, mayal adeegga iyo islaam naceybka.

Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa oo ay caddeyneysaa inay garab taagan tahay Xukuumadda iyo Shacabka New Zealand, ayna tacsi u direyso qoysaska dhibanayaasha muslimiinta, iyadoo u rajaysay kuwa dhaawaca ah bogsasho iyo caafimaad degdeg ah.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa Xukuumadda New Zealand inay samayso baaritaan guud oo ku qotoma falkani argagaxisada ee naxdinta leh, oo loo arko fal dambiyeed fuleynimo oo xun, una baahan mowqif islaami iyo mid dunida oo dhan oo mideysan oo looga hortago dhammaan howlaha argagaxiso iyo xagjirnimada halista leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -