Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Rugta Ganacsiga oo War kasoo saartay Dhibaatada Ciidamada Kenya ku hayaan Shirkada Hormuud

Ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanada Xuduudda ayaa dhibaato xoog leh ku hayey mudooyinkii dambe Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, waxayna gubeen illaa 6 xarun oo ay shirkadda ku laheyd Gobollada Gedo .

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa falkaas ku tilmaamtay mid aan la qaadan karin isla markaasna loo baahan yahay in si deg deg looga hortaggo oo lala xisaabtamo ciidamada Kenya.

Rugta ayaa sheegtay inay dowladda Soomaaliya dhawr jeer u gubdiyeen dacwad ka dhan ah Ciidamada Kenya ee dhibaatada ku hayo Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud balse aysan jirin ila hadda tallaabo laga qaaday falkaas guracan ee lagu hayo shirkaddaas.

Ugu dambeyntii Rugta ganacsiga ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqday in si deg deg arrintaas wax looga qabto si aan loo curyaamin Ganacsiga dadka Soomaaliyeed iyo shirkdda Hormuud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo digniin adag u dirtay Shirkadaha Isgaarsiinta & Internetka

Caydiid Ali

Boqortooyada Sacuudiga oo shaacisay beri ay tahay maalinta koobaad ee bisha Ramadaan

Cabdi Cade

Ruushka oo dayuurad dagaal looga soo riday Siiriya & duuliyihii waday oo la qabtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---