Maraykanka oo mar kale u hanjabay Turkiga & xiisada labada dal oo ka sii dareysa

Maraykanka ayaa ku hanjabay inuu cunoqabayno dhaqaale oo dheeraad ah ku soo rogi doono Turkiga, haddii uu sii dayn waayo Baadari Maraykan ah oo dalkaa ku xiran.

Andrew Brunson ayaa labo sanadood ku dhawaad ugu xiran Turkiga eedo ah inuu xiriir la leeyahay ururo siyaasadeed.

Ismaan dhaafka ka dhashay sii dayntiisa ayaa dhaliyey in labadaa dal ee gaashaanbuurta Nato ka wada tirsani uu mid ba ka kale badeecadaha uu u dhoofiyo cashuuro dheeraad ah ku soo rogo.

Arintan waxay uga sii dartay baaxaa degga lacagta Turkiga ee Lira-ha oo qiimaheedu hoos u dhacay saddex meeloodow meel tan iyo bishii Janaayo.

Waxay taasi dhalisay oo kale in aad loo xaraasho saamiyada sayladaha soo koraya iyo cabsi ah in dhaqaalaha aduunku uu rogmado.

Lacagta Turkigu waxay hoos u dhicii qiimaheeda in yar ka soo kabatay horaantii todobaadkan markii xukuumaddu cashuuro dheeraad ah ku soo rogtay badeecadaha Maraykanku u dhoofiyo ee ay ka mid ka yihiin gawaarida, khamriga iyo buuriga. Laakiin soo kabashada lacagta Turkiga weli waxa dul hoganaya cabsi hor leh oo ka dhalatay hanjabaadda Maraykanka.

Todobaadkii hore ayaa Maraykanku laban laabay cashuuraha laga qaado birta Turkigu u dhoofiyo, Khamiistiina wasiirka maaliyadda Maraykanka, Steven Muchin ayaa sheegay inuu jiro qorshe kale oo  la meel marinayo haddii ay si dhakhso ah u sii dayn waayaan Baadariga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -