Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay dadkii saakay lagu laayay Duleedka Muqdisho

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay qarax dad badan oo shacab ah ku dhinteen oo maanta ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi ee Duleedka Muqdisho.

Qaraxan saakay ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ayaa haleelay gaari caasi ah ay saarnaayeen dad shacab ah, waxaana qaraxaasi ku dhintay dad ka badan 10-qof halka tiro kalana ku dhaawacmeen.

         Halkan ka akhriso War saxaafadeedka dowlada

 

 

- Advertisement -