Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe iyo Wafdi la socda oo si weyn loogu soo dhaweeyay Baydhabo (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo oo katirsan labada gole ee Jubaland ayaa goordhaw gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed.

Wafdiga madaxweynaha Jubbaland waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo si weyn ugu soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyo masuuliyiin kale.

Axmed Madoobe ayaa u tagay magaalada Baydhabo ka qeyb galka shirka golaha wadatashiga Qaran oo goordhaw la filayo in magaalada Baydhabo si rasmi ah uga furmo, waxaana shirkan ka qeyb galaya madaxda maamulada iyo madaxda Dowladda .

Shirka wadatashiga Qaran ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin doorashooyinka, ammaanka, siyaasadda, dastuurka, dagaalka Al-Shabaab iyo arrimaha dhaqaalaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geeridii ku timid Xaawo Cabdi Samatar

Cabdi Cade

Nin oday ahaa oo lagu dilay Muqdisho xilli uu ka baxay Masaajid uu ku dukaday

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada Somalia oo looga sheekeeyey Qiso oday 60 jir ah ku qabsatay gobolka Sh/hoose

Caydiid Ali
Taboola Ads ---