Muxuu Ruushku ka yiri dayuurad lagu eedeeyey inuu ka burburiyey Mareykanka?

Ruushka ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wararka  iyo eedeymaha sheegaya iney soo rideen dayuurad aan duuliye laheyn oo Mareykanku lahaa taasoo dul mareysay badda madow

Wasaarada difaaca Ruushka ayaa sheegtay in diyaaradda aan duuliyaha laheyn ee MQ-9 ay ku duuleysay meel ku dhow dhul badeedka Crimea oo ay Ruushka 2014-kii qabsatay.

Sida ay sheegeen ciidamada Mareykanka, Dayuurad dagaal oo laga leeyahay dalka Ruushka ayaa ku dhacday mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka, taasoo keentay in diyaarada Mareykanka oo aan cidi wadin ay ku burburto badda madow.

Hase ahaatee Ruushka ayaa sheegay in diyaarada aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay soo dhacday ka dib markii ay “dhaqdhaqaaq xoogan sameysay”, wuxuuna beeniyay in labada diyaaradood ay si toos ah isugu dhaceen.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sidoo kale sheegtay in diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee MQ-9 Reaper ay duuleysay iyada oo la damiyay qalabkeed isgaarsiinta. Qalabkan isgaarsiinta ayaa ah mid suuragalinaya in lala socdo dhaqdhaqaaqa diyaaradda.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka nooca Reaper ayaa ah kuwa loogu talagalay dhanka sahanka taasi oo leh ballac dhan 20m (66ft) .

“Diyaaradeena MQ-9 ayaa si caadi ah ugu socotay hawada caalamiga ah markii lagu dhuftay diyaarad Ruushku leeyahay, taasoo keentay in ay burburto ,” ayaa lagu yiri bayaanka Mareykanka

Mareykanka ayaa u yeeray safiirka Ruushka ee Washington, Anatoly Antonov, iyaga oo cabasha ka muujinaya dhacdadani.

Warbaahinta dowladda Ruushka oo soo xiganeysa Antonov ayaa sheegtay in Moscow ay u aragtay dhacdadani diyaaradda mid “daandaansi ah”.

Xiisadda badda ka taagan badda madow ayaa sare u kacday tan iyo markii Ruushka uu qabsaday Crimea sanadkii 2014-kii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -