Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Axmed Madoobe oo ka hadlay saraakiishii NISA ee shalay laga soo celiyey Kismaayo

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo dib ugu laabtay Kismaayo ka dib safari uu dibeda ugu maqnaa ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo xasaasi ah.

Axmed Madoobe ayaa soo hadal qaaday arrinta la xiriirta saraakiishii shalay lagu xanibay Garoonka diyaaradaha Kismaayo, kuwaasoo dowladda Federaalka u magacawday Taliyeyaasha hay’adda Nabad sugida Jubbaland.

“Dowlada Soomaaliya kalama tashanin Jubbaland Magacaabista Taliyeyaashan,  dowladda dhexena waxay qeyb ka tahay Amni daradda ka jirta dalka” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxda Dowladda Somalia ayuu ku  eedeeyey wadatashi la’aanta oo uu xusay inay ka hor imaaneyso heshiiskii ay horay ula saxiixdeen Dowlada federaalka.

Axmed Madoobe oo khilaaf uu kala dhexeeyo dowlada Somalia ayaa mudooyinkan la soo baxay siyaado iyo ficilo ka baxsan nidaamka federaalka, kuwaasoo u qaab eg dhaqankii ay lahaayeen qabqablayaashii hore ee dagaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Magacyada Maxaabiis ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay dagaal ka dhacay Sh/hoose

Caydiid Ali

(Wareegto) Muuse Biixi oo Magacaabay guddi baaris oo ka kooban Shan xubnood

Caydiid Ali

Maraykanka oo digniin adag siiyey Milateriga afgembiga ka sameeyey Sudan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---