Taliyaha Booliska Somalia oo arrimo muhiim ah kala hadlay Madaxa EUCAPSOM (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’ada EUCAPSOM Mr Kauko Aaltoma, Dania Cossa, Madaxa howlaha iyo Mohamed Ibraahim oo ah la-Taliye siyaasadeed ee Hay’ada.

Hay’ada Tayeynta Midowga Yurub ee Soomaaliya, European Union Capacity Building in Somalia (EUCAP SOM) ayaa ka mid ah hay’adaha sida weyn u taageera Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa daaranaa Isbarasho iyo soo dhaweyn sidoo kale, waxay ka wada hadleen dar dar gelinta iyo xoojinta wada shaqeynta labada dhinac.

Dhinaca kale, Taliyaha oo ku guda jira wajiga hore kormeerkiisa fadhiyada Ciidanka, ayaa kormeeray hanaanka shaqo Saldhiga Boliiska Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Dhowaan ayey aheyd markii Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, uu kormeer u kuurgelid ah ku tagay Hoggaanka Baarista Dembiyada ee CID-da,  halkaas oo loogu adeego Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gudaha iyo Dibada Dalka.

Taliyaha ayaa kormeeray dhamaan Qeybaha iyo Waaxaha ay ka koobantahay CID-da, sidoo kale cabashadooda dhageystay muwaadiinta Soomaaliyeed ee adeega sugayay, iyada oo laga duulayo cabashada dadweynaha ayuu Taliyuhu soo saaray amaro ay ka mid yihiin:- In la mamnuucay qof u dhaxeeya adeeg-bixiyaha iyo muwaadinka loo adeegayo, Waxaa meesha laga saaray in muwaadiniintu ay adeeg sugaan waqti dheeraad ah oo laga maarmi karo. Isla markaana, adeega loogu qabto saacado gudahood iyo si faahfaansan loola wadaago Bulshada habsami u socodka adeegan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -