Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad ka laabatay Maalinta Dabaal-dega Laab gelinta Lo’da iyo Sababta keentay (Sawirro)

Guddiga Daryeelka Xoolaha ee dalka Hindiya (The Animal Welfare Board of India) ayaa shaaciyey in laga laabatay Baaqii ku aadanaa in Maalinta Laab-saarka Lo’da (The Cow Hug day) loo dabaal-degi doono bishan February 14-da oo ku beegan berrito oo Talaado ah.

Tallaabadan lagu joojiyey Dabaal-degaasi ayaa lagu sababeeyey in si kulul loogu dhaliilay Baraha Bulshada, iyadoo la xusay inaan laga badbaadi karin Lo’ weyraxday, oo la filan karo inay khatar la kulmi karaan Dabaal-degayaasha laabta saari doona Kumanaanka Lo’da ee Madasha la keeni lahaa.

Guddiga Daryeelka Xoolaha dalka Hindiya waxay Arbacadii hore soo saareen Qoraal lagu sheegay in maalinta Laab-saarka Lo’da loo dabaal-degi doono bishan February 14-da oo inta badan dadyowga aan Muslimka ahayn u Dabaal-degaan Maalinta Jacaylka ama Valentine’s Day.

Go’aanka cusub ee ay Guddigaasi ku joojiyeen inay dadka Hindida u dabaal-degaan Maslinta Laab-gelinta Lo’da ayaan lagu caddaynin sababta Rasmiga ee ay uga laabteen Go’aankoodii hore.

Balse, waxaa la rumeysan yahay inay dadka isticmaala Baraha Bulshada ay si kulul u naqdiyeen arrintaasi, kuna tilmaameen wax lagu maadeysto

Mid ka mid ah Muuqaalada la soo dhigay Baraha Bulshada waxaa ka muuqday dhowr xubnood oo ka tirsan Xisbiga Talada dalka Hindiya haya ee Bharatiya Janata Party oo Lo’ dhaawacday, xilli ay doonayeen inay Laabta saaraan Lo’da, si ay Dhallinyarada ugu dhiiri-geliyaan Jacaylka Lo’da.

Muuqaal kale ayaa waxa uu muujiyey Nin si xun uu u dhaawacay Lo’ uu doonayey inuu Laabta saaro.

W/T Ustaad Nuradin

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo la kulmay Madaxa Al Xikma

Cabdi Cade

(Sawirro) Booliska Yuhuuda oo raadinaya Falastiiniyiin dad ku dilay duleedka Tel Aviv

Caydiid Ali

Madaxweynaha Jabuuti oo goordhaw si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---