Allbanaadir.com
NEWS

Somalia oo mar kale ka soo muuqatay Liiska wadamada ugu Musuqa badan Caalamka

Hay’adda La-dagaalanka Musuqa ee Transparency International oo Fadhigeeda yahay Caasimadda dalka Jarmalka ee Berlin waxay maanta oo Talaado ah soo saartay Warbixin sanadeedka heerarka 180 Waddan ee dhanka La-dagaalanka Musuqa ee sanadkii la soo dhaafay ee 2022-kii.

Warbixinta waxaa lagu soo bandhigay  Tusaha Heerarka Musuqa (CPI) ee sanadkii hore ee 2022-kii, waxaana Shaxda ka muuqda dalalka ugu Wanaagsan ee horumarka ka sameeyey La-dagaalanka Musuqa iyo kuwa uu Musuqa la degay dadkooda iyo dalkooda.

Liiska waxaa Figta Sare ku jira dalalka uu ku yar yahay ama uusan ka jirin Musuqa, iyadoo Tobanka Waddan ee kaalimaha ugu Wanaagsan galay kala yihiin:

1- Denmark,

2- Finland,

3- New Zealand,

4- Norway,

5- Singapore,

6- Sweden,

7- Switzerland,

8- The Netherlands,

9- Germany

10- Ireland

Dhanka kale, Warbixinta Transparency International waxaa Kaalimaha ugu hooseeyo lagu soo bandhigay dalalka ugu Musuqa badan Caalamka, waxayna kala yihiin:

1- Yemen,

2- Venezuela,

3- South Sudan,

4- Syria,

5- Somalia

Inkastoo ay jiraan dadaallo wadajir ah iyo guulo adag oo ay gaareen qaar ka mid ah dalalka adduunka, hadana 155 waddan ayaan wax horumar ah ka samayn la dagaalanka musuqmaasuqa , sida ku cad warbixinta ay samaysay hay’adda transparency international.

Marka la eego dalalka Carabta waxaa kaalimiha hoose ee heerka musuqmaasuqa soo galay dalalka Imaraadka, Qadar, Liibiya iyo Suuriya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

TPLF oo ka qeylisay dayuuradaha Droneska ee ay wataan ciidamada Itoobiya

Caydiid Ali

Sheekada Saabir iyo Xasan Sow uma eka “Aabbow Kan yar iga Dhici Kan weynaa iska Dhicinayaa”

admin

Puntland oo dibeda u qaaday askar ku dhaawacantay weerarkii Daacish

Caydiid Ali
Taboola Ads ---