Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Deni iyo Madaxa DP-WORLD oo daah-furay shaqada balaarinta dekeda Boosaaso (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay shaqada balaarinta iyo horumarinta lagu samaynaayo Dekedda magaalada Boosaaso.

Dekedda ayaa la balaarin-doonaa 450m, iyadoo 150m ee ugu horeeyay hadda la billaabayo, waxaana sidoo kale qorshuhu yahay in hoos-u-qodka Badda la gaarsiiyo 11m.

Waxaa intaa dheer u diyaarinta Dekadda Mid awood u leh Maraakiibta waa-weyn inay kusoo xirtaan, konteenarada guurguura, Mashiinada iyo Agabka shaqo ee Dekadda yeellanayso.

Munaasibadda waxaa kasoo qayb-galay wefti balaaran oo uu hogaaminayo CEO-ga iyo Agaasimaha Maamulka DP-WORLD ee Bariga Dhexe iyo Africa Suhail Al-Banna, Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cisman, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, isimada dhaqanka, siyaasiyiin, haldoor, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo masuuliyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kala shaki soo dhex galay Madaxda sare ee DF iyo cabsi cusub oo soo korortay

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni iyo Qaar kamid xisbiyada Mucaaradka Puntland oo caawa heshiis gaaray

Cabdi Cade

Cudur halis ah oo Somalia ku dilay 54 qof & digniin culus oo laga soo saaray

Caydiid Ali