Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu yahay heshiiska ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Masar?

Wasiirada Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada ee dalalka Somalia iyo Masar ayaa waxay ku kala saxiixdeen Caasimadda dalkaasi ee Qaahira Heshiis Is-Faham (A memorandum of understanding (MoU).

Ra’isul-wasaaraha Masar, Mustafa Al-Madbuuli ayaa goobjoog ka ahaa Saxiixa Heshiiskaasi Isfahamka ee Arrimaha Iskaashiga Culuunta Teknoolajiyada, Isgaarsiinta iyo Boostada ee labada Waddan.

Heshiiskaasi waxaa qalinka ku duugay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada ee XFS, Jaamac Xasan Khaliif iyo dhigiisa Masar, Dr. Cumaru Dalacat

Heshiiskaasi ayaa ku soo beegmay, iyadoo Wasiirka Teknoolajiyada iyo Isgaarsiinta ee XFS, Jaamac Xasan Khaliif uu ka qeyb galay Shirka Wasiirada Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada ee dalalka Carbeed oo lagu qabtay magaalladda Qaahira muddadii u dhexeysay bishan January 22-dii ilaa 23-dii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Miis uu raashin ku cunay Madaxweyne Caan ahaa oo loo daawasho tago (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Farmaajo & Axmed Madoobe ku wada hadleen khadka telefanka ?

Caydiid Ali

Taliban oo cambaareysey qaraxyadii Kabul & Wararkii ugu dambeeyey (Sawirro)

Caydiid Ali