Ciidamada Puntland oo sheegay iney dileen 15 ka tirsan Al-Shabaab (Daawo Sawirro)

War ay soo saareen Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Puntland (PSF) ayay ku sheegeen in maanta ay hawlgal qorshaysan ku dileen in ka badan 15 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in hawgalkan oo laga fuliyay buuraleyda Calmadow ee gobolka Bari mudadii uu socday Al-shabaab looga sifeeyay degaannada; Madarshoon, Karin-xagarood iyo Diindigle oo dhammaantood ka tirsan buuraleeyda Calmadow.

Ciidanka PSF ayaa sidoo kale sheegay in dhaawacyo badan la gaarsiiyay kooxaha ka tirsan Al-shabaab ee halkaasi laga saaray, islamarkaana ay hawlgalladu sii soconayan ilaa iyo inta Al-shabaab laga sifaynayo degaannada ay kaga sugan yihiin Puntland.

“Ciidanka PSF waxay hawlgalkan ka gaareen guulo muhiim ah, waxayna dileen intii hawlgalkani socday 15 xubnood oo ka tirsan cadowga Al Shabaab, tiro kale oo intaa ka badana waxaa la gaarsiiyey dhaawacyo.Dhanka kale, intii hawlgalkani socday waxay ciidanka PSF ku guulaysteen in ay cadowga Al Shabaab ka sifeeyaan degaanada Madarshoon,Karin Xagarood iyo Diindigle ee Buuraha Cal Madow” ayaa lagu yiri warbixinta PSF oo aan lagu xusin khasaaraha soo gaaray dhinacooda.

Al-shabaab kama hadlin arrntan, mana jiraan warar xaqiijinaya ama beeninaya sheegashada ciidamada Punland, waxaana aad u adag in warar madax banaan laga helo goobaha ay wax ka dhaceen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -