Xukun deg deg ah oo lagu soo rogay degaanka Soomaalida Itoobiya

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa xukun deg deg ah ku soo rogtay degaanka Soomaalida Itoobiya oo maalmihii la soo dhaafay ay ka jireen qalalaase iyo rabshado.

Talaabadan ayaa ka dambeysay markii uu is casilay madaxweynihii maamulkaasi Cabdi Maxamuud Cumar, lana magacaabay madaxweyne cusub oo ku meel gaar ah.

Wasiirka Warfaafinta Itoobiya ayaa warbaahinta dalkaas kaga dhawaaqay xukunka degdega ah ee degaanka Soomaalida Itoobiya lagu soo rogay, waxaana ciidamada milateriga Itoobiya oo si weyn u hubeysan ay la wareegeen magaalooyinka waaweyn ee maamulkaasi sida Jigjiga iyo Diridhaba.

Dhinaca kale, Madaxweynaha cusub ee maamulka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed ayaa sheegay in la soo celinayo amarka iyo kala dambeynta, isagoo shacabka ugu baaqay iney nabada ka shaqeeyaan.

Madaxweynaha cusub ayaa sheegay in madaxweyanaha xilka ka iska casilay Cabdi Max’ud Cumar oo caafimaadkiisu wanaagsan yahay, wuxuuna intaasi ku daray in Cabdi uu weli yahay madaxa Xisbiga dimoqraadiga shacbiga Soomaalida Itoobiya ee ka arrimiya dhulka Soomaali galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -