Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xaalada Laascaanood oo caawa ka dartay iyo rasaas xooggan oo laga maqlayo (Sawirro)

Xaalada magaalada Laascaanood ayaa caawa ka sii dartay, shacabka ka horyimid maamulka Somaliland ayaa magaalada dhinac ka jooga oo wadooyinka xirtay, Waxayna u muuqataa in xaalku sii cakirmayo.

Dhawaqa rasaasta ayaa caawa laga maqlayaa qaybaha kala duwan ee magaalada, iyadoo sidoo kalencaawa laga dhex taagay magaalada Calanka Khaatumo, halka maanta shacabka qaarkood ay la soo baxeen calanka Soomaaliya.

Ciidamada Somaliland ayaan weli ku guuleysan iney soo celiyaan amaankii iyo kala dambeyntii, iyadooo tan markii ay bilowdeen dibed baxyada saddex cisho ka hor lagu dilay illaa shan qofood.

Xaalada magaalada ayaa weli cakiran, iyadoo ay xiran yihiin goobaha ganacsiga iyo Suuqyada magaaalada, dad careysan ayaana taayero ololaya ku gubaya wadooyinka magaalada.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Somaliland ay Ciidamo dheeraad ah keentay magaalada, xaalkuna uu ku dhow yahay inuu faraha baxo, Madaxweynaha Somaliland ayaa ku baaqay in xaalada la dejiyo hase ahaatee warkaas cidina dhag jalaq uma siinin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Daawo:-Kalsooni gala noqoshada Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ma noqonaysaa mid sax ah!!

admin

Xildhibaano ku shiray Muqdisho oo War-xasaasi ah ka soo saaray Xaalada dalka (Akhriso)

Caydiid Ali

Innaga iyo Yar yarka :Magaca Al Shabaab oo lagu baado dhalinyarada aada dalka Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---