Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Qarax qabsaday Markab nuuca xamuulka qaado ah iyo khasaaro ka dhashay

Qarax ayaa lagu soo waramayaa in uu qabsaday markab Xamuul oo marayey meel ka baxsan xeebaha dalka Turkiga, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro soo gaaray qaar kamid ah shaqaalihii markabka la socday.

Qoraal kasoo baxay wasiirka wasaaradda socdaalka dalka Masar, Soha El-Gendy ayey ku xaqiijisay qaraxa qabsaday markabka, waxa ayna sheegtay in 14-qof oo badmaaxayaal ah ku dhaawacmeen qaraxa ,kuwaa ay tilmaantay in qaarkood xaalkooda culus yahay.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegtay in kabtankii markabka qaraxa haleelay Xusaam Taabit oo u dhashay Masar la la’ yahay raqdiisa iyo ruuxiisaba, waxa ayna xustay in ay socdaan howlgalo la iska kaashanayo oo lagu baadigoobayo.

Markabka qaraxa haleelay oo lagu magacaabo BEATA, oo uu ka dul babanayey Calanka dalka Panama ayaa  waday shixnad dhuxul ah, waxa uuna Qaraxu ku qabsaday badda madow (Black Sea), gaar ahaan meel ka baxsan Xeebaha dalka Turkiye.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Banaan baxyo rabshado wata oo saakay ka socda magaalada Boorame (Sawirro)

Cabdi Cade

Qarax khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay maqaayad kutaalla Muqdisho

Cabdi Cade

Wasiirka amniga & Taliska Qeybta 21-aad ee Galmudug oo ka wada hadlay qorshe cusub

Caydiid Ali
Taboola Ads ---