Tababar Muddo bil ah soconaya oo loo furay Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha Somalia (Daawo Sawirro)

Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumada federaalka Somalia ayaa maanta waxaa looga furay Magaalada Muqdisho tababar soconaya muddo bil ah oo la xiriira kor u qaadida tayada iyo awooda Wasaaradda.

Waxaa tababarkan fulinaya Machadka daraasaadka iyo  Maareynta Masiibooyinka (SDRI) oo taageero ka helaya heyadda cuntada iyo beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO.

Agaasimaha Machadka daraasaadka Culuunta Maareynta Masiibooyinka (SDRI) Maxamed Cismaan Maxamuud oo munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada laga leeyahay tababarkan ay tahay sidii loo xoojin lahaa awooda shaqaaluhu u leeyihiin dhinacyada horumarinta beeraha, Waraabka, Maamulka iyo Maaliyada iyo sidoo kale iney helaan xirfado la xiriira qoraalka iyo iney sameyn karaan barmaamijyo sare u qaadaya qeybaha ay ka shaqeeyaan.

“Waxaan barnaamijkan la kaashanay khubaro ku taqasusay tababarada la xiriira beeraha kuwaasoo ka shaqeeyey manhaj dhameystiran oo loogu talo galay in lagu bixiyo duruusta mudada 30ka cisho ah ee uu tababarkan socdo” ayuu yiri agaasimaha oo intaa ku daray in shaqaalaha loo furay tababarkan la siin doono Shahaado caalami ah.

Wasiirkii hore ee beeraha Xukuumada Somalia Ibraahim Baafo oo isna ka hadlay munaasabadan ayaa ka waramay muhiimada ay leedahay xoojinta awooda Wasaarada iyo gudashada waajibaadkeeda shaqo ee ay u heyso bulshada, wuxuuna u rajeeyey shaqaalaha Wasaarada in howlahooda ay wax badan ka bedelaan marka ay dhameystaan tababarkan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada beeraha iyo Waraabka Xaamud Cali Xassan ee Gebagebadii munaasabadaas ka hadlay ayaa uga mahad celiyey Machadka SDRI iyo heyadda FAO tababarka ay sida wadajirka ugu qabanayaan shaqaalaha Wasaarada, isagoo ku dheeraaday muhimada weyn ee ay leeyihiin tababarada noocan Wuxuuna shaqaalaha Wasaarada ka codsaday iney si hufan uga faaideystaan mudada uu socdo, ayna tayada shaqaalaha wasaarada wax weyn ka bedelaan.

Munaasabadaas oo ku soo dhamaatay jawi aad wanaagsan ayaa waxaa sidoo kale hadalo ka jeediyey xubno ku hadlayey Maamulka iyo Shaqaalaha Wasaarada iyo aqoonyahano lagu casuumay Munaasabadan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -