Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka oo ka qeyb galay shirka madaxeedka Midowga Afrika (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qayb galay shirka madaxeedka Midowga Afrika ee ku saabsan warshadaynta iyo isu dheelli-tirka dhaqaalaha oo ka dhacay caasimadda dalka Niger ee Niamey.

Madaxda shirka kasoo qeyb gashay ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in Qaaradda Afrika gaarto isku filnaansho dhaqaale isla markaana la dardar geliyo wax soo saarka iyo warshadaynta iyadoo la isu dheelli-tirayo maalgashiga.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in horumarinta warshaduhu ay lagama maarmaan u tahay in Afrika ay horumarto iyadoo ka faa’iidaysanaysa kheyraadkeeda iyo ballaarinta ganacsiga ka dhexeeya dalalka Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo Markab Dagaal u diray Bariga Dhaxe kadib Cabsi soo wajahday Ciidankiisa

Cabdi Cade

Wararkii u dambeeyey dhulgariirka Marooko & tirada dhimashada oo sii kordheysa (Sawirro)

Caydiid Ali

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo dhinacyo badan iska kaashanaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---