Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo beri safar ku tagay Saddex gobol oo ka kala tirsan maamulada…

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiiro katirsan xukuumadda federaalka ayaa beri oo sabti ah lagu wadaa in ay tagaan degmooyin iyo deegaano katirsan gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in maanta sii baxeen xildhibaano iyo xubno kale oo horu dhac u ah safarka Madaxweynaha Soomaaliya beri ku tagayo labo kamid ah maamul goboleedyada.

Sida aan wararka ku helnay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tagaya degmooyinka Maxaas, Baxdo iyo Wisil oo ka kala tirsan gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, kuwaa oo hoostaga maamulada Hirshabelle iyo Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa degmooyinkaas u tagaya abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda degmooyinkaasi iyo deegaano hoostaga, waxa uuna Madaxweynaha warbixino ka dhageysan doonaa saraakiisha dagaalka horkaceysa.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorsheenaya in dib loo bilaabo howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab oo hakad galay maalmihii lasoo dhaafay, waxa uuna madaxweynaha ballanqaadyo u sameyn doonaa dadka deegaanka ee dagaalka kala hortagay Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Erdogan: ” Waa in Maxkamada dembiyada ee ICC la horkeenaa Netanyahu”

Caydiid Ali

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo u jawaabay Wasiir Dubbe

Caydiid Ali

DEG DEG: Abwaan caan ah oo caawa lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---