Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo taliye cusub u magacaabay ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Gaashaanle Sare Mubarak Cabdiqani Muuse Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo magaacaabistan ku saleeyey sharciga dhismaha Ciidanka Xoogga dalka ee Lr. 15 ayaa faray Taliyaha cusub in uu sii amba-qaado qorsheyaasha qaran ee dib u dhiska Ciidamada Badda Soomaaliyeed, si loo helo ciidan awood u leh hanashada sugidda amniga marin-badeedyada dalka iyo difaaca xeebaheenna ballaaran.

Xeerkan Madaxweyne oo waafaqsan qodobbada 80-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku dhaqan galay faafinta rasmiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Qarax weyn oo ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada Beledweyne

Caydiid Ali

(Sawirro) Maxaa ka soo baxay Wadahadalkii Xassan Shiikh & dhigiisa Erdogan?

Caydiid Ali

(Akhriso) War-Murtiyeed laga soo saaray Shirweynihii Culimada Soomaaliyeed

Caydiid Ali