Allbanaadir.com
NEWS

Qoorqoor oo furay kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Galmudug (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta furay kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Galmudug oo maanta ka furmay Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Dhuusamarreeb.

Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Galmudug waxaa sidoo kale goobjoob ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali Dahir Ciid.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ay ugu horeyso guulaha laga gaaray dhanka amniga, dhismaha dowladaha hoose, dhaqaalaha, adeegga bulshada iyo mashaariicda horumarineed.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale u mahad celiyay Baarlamaanka Galmudug iyo howlihii ay soo qabteen shantii kalfadhi ee hore, wuxuuna kula dardaarmay in la dardargeliyo howlo qorsheedka horyaalla kalfadhigan lixaad ee baarlamaanka.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u furay Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Dowladda Galmudug.

Related posts

Maxkamadda Hargeysa oo xukun ku riday haween xad-gudub diimeed iyo dhaqan-xumo ku kacay

Cabdi Cade

Muxuu Madaxweyne Cali Guudlaawe kala hadlay madaxda heyadda FAO?

Caydiid Ali

Xildhibaan Jeesow oo si ka duwan sidii looga bartay uga hadlay Kiiska Dilka Ikran Tahliil

Cabdi Cade