Hay’adaha Sirdoonka Somalia iyo Ethiopia oo kala saxiixday heshiis cusub (Sawirro)

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) Mudane Mahad Maxamed Salaad iyo dhigisa Ethiopia (NISS) Temesgen Tiruneh Dinku ayaa maanta heshiis ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay, in labada sirdoon ee NISA iyo NISS, ay yeeshaan wada shaqeyn ku qotonta is dhaafsiga xogaha muhiimka ah iyo xoojinta dagaalka wada jirka ah ee lagu hayo kooxaha Argagixisada.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa tilmaamay in heshiiskan uu yahay mid macno u leh labada dal ee dariska ah iyo sidoo kale ammaanka bariga Afrika.

Labada sirdoon ee Soomaaliya iyo Ethiopia oo dareensan muhiimadda ay labada wadan u leedahay ciribtirka kooxaha Argagixisada ayaa muujiyay sida ay uga go’antahay in ay horseed u noqdaan in Argagixisada laga sifeeyo Geeska Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Mudane Abiy Ahmed ayaa horay kulan ay ugu yeesheen magaalada Addis Ababa isku raacay xoojinta iskaashiga dhinacyada ammaanka iyo la dagaalanka Aragagixisada.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA SAXIIXA HESHIISKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -