Xildh. Mahad Salaad: “Farmaajo waa ka tanaasulay dacwadii Badda ee Somalia iyo Kenya”

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in loo xaqiijiyey in madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya ay ka wadahadleen arrimaha Badda labada dal dhex yaallay.

“Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmad ayaa ku guulaystay inuu ku qanciyo Madaxweyne Farmaajo inuu ogolaado in khilaafka Badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu xaliyo wadahadal sida uu baahiyay Telefishinka Qaranka Itoobiya oo la socday safarka Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya uu ku tagay magaalada Niarobi ee dalka Kenya” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo ku eedeeyay madaxtooyada Somalia inay weli ay dadka ku maaweelinayso in kulankii Nairobi looga hadlay oo kaliya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood.

“Warar sugan oo aan ka helay ilo ka agdhow xafiiska Madaxweyne Farmaajo waxay ii xaqiijiyeen in ajandaha kulanka labada Madaxweyne uu ahaa arinta muranka Badda iyo

dacwada hortaala Maxkamada Caalamiga ah (ICJ) laakiin waxay ka gaabsadeen inay sheegaan go’aamada ay ka gaareen arintan labada Madaxweyne” ayuu ku dooday Xildhibaanka oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn ugu kacsan dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo.

“Waxaa ka muuqata in Baddii Soomaaliya la beec geeyay Madaxweyne Farmaajo na ka tanaasulay dacwadii Maxkamada Caalamiga ah hortaalay, Baddii Soomaaliyana u dhiibay sidii shalay uu u dhiibay Abdikariim Qalbi Dhagax!..” ayuu sidoo kale yiri xildhibaan Mahad Salaad oo qoraalkiisa soo dhigay barta uu ku leeyahay facebook.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -