Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo arrin layaab leh ku aragtay Deegaan Al Shabaab xubno badan looga dilay

Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helayay kuwa deegaanka iyo dagaalyahanada Al Shabaab ayaa khamiistii ka dhacay deeegaan lagu magacaabo Ceel Hareeri oo kuyaalla gobolka Hiiraan.

Dagaalkan labada dhinac dhax maray ayaa dhaliyay khasaaro aad u badan, waxa ayna dowladda Soomaaliya shaacisay in dagaalkaasi lagu dilay in ka badan 100-dagaalyahan, waxaana lasoo bandhigay meydadka dagaalyahanada lagu dilay qaarkood.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga General C/laahi Cali Caanood oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dagaalkaasi markii uu dhammaaday kaddib ciidamada dowladda arrin layaab leh ku arkeen goobtii dagaalka ka dhacay.

Waxa uu sheegay afhayeenka in ciidamada arkeen meydadka xubno katirsan Al Shabaab oo lugaha silsilado uga xirnaayeen, waxa uuna xusay in dadkaasi Al Shabaab ugu tala galeen in aysan cararin balse qaarkood dagaalka lagu dilay halka kuwa kalan aduqeyn ku dhinteen.

” Dagaalkii ka dhacay Ceel Hareeri markii uu istaagay, meelihii cadawga difaaca uga jireen ayey galeen ciidamada si ay dhaawac ka helaan waxii dhimasho ahna ka aruuriyaan, waxa ay arkeen ciidamada arrin layaab leh oo ah dhallinyaradii Al Shabaab soo hubeeyeen oo toban toban iyo shan shan katiinad lugaha isaga xiran kuwaa oo dagaalka lagu dilay, taasi waxa ay daliil u tahay in wiilashaasi Shabaab soo raafeen ayna diidan yihiin in ay baxsadaan ayna uga gon leeyihiin in la dilo ” ayuu yiri Jeneraal Caanood.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegay in dadka dagaalka lagu laayay kaliya aysan aheyn Al Shabaabkii dhabta ahaa balse ku jireen dhallinyaro xoolo dhaqato ah oo Al Shabaab dagaalka qasab kusoo galiyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka: Lama aqbali karo duqeymaha joogtada ah ee lagu hayo Laascaanood

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo arrimo Muhiim ah kala hadlay Axmed Jumca Al-Rumeysi (Sawirro)

Cabdi Cade

Dagaalo qaraar oo ka dhex qarxay Ciidamada Eritrea iyo kuwa Jabhada TPLF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---