Ciidamada DF oo mar kale xabsiga u taxaabay Cabdalla Axmed Muumin

Gudoomiyaha ururka Somali Journalists Syndicate Cabdalle Axmed Muumin ayaa mar lagu xiray magaalada Muqdisho.

Cabdalla ayaa labo cisho ka hor waxaa damiin ku sii deysay Maxkamada gobolka Banaadir ka dib markii xeer ilaalinta Qaranka ay keeni weysay cadeynta waxa loo heysto

Ciidamada DF ayaa galabta xiray Cabdalle xili uu ka dhoofi rabay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo isku dayaya inuu arrimo caafimaad u aado Nairobi.

“Cabdalle Axmed Muumin ayaa sheegay inuu kalyo xanuun aad u daran ka hayo, isla markaana uu bilaabayo cunto ka soomid haddii la sii hayo” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay qoraal ka soo baxay ururka SJS.

“Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed – SJS waxa ay si adag u cambaaraynaysaa xariga iyo xadgudubka sharci darrada ah ee lagula kacay Xoghayaga Guud, waxana ay ku baaqaysaa in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -