Allbanaadir.com
NEWS

Ciidan uu hoggaaminayo Xildhibaan Xaadoole oo deegaano kala wareegay Al Shabaab (Sawirro)

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo wehliyaan kuwa deegaanka ayaa saakay howlgal ay sameeyeen kula wareegay deegaano hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha.

Ciidankan howlgalka sameeyay ayaa waxaa hoggaaminayay Xildhibaan Cismaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole), waxaana ku wehliyay masuuliyiin iyo saraakiil ciidan oo dowladda katirsan.

Howlgalka ayaa inta uu socday ciidamada kula wareegeen deegaanada kala ah, Yaaqle, Mukadheere, dhagaxoow, Kooraabe, Shanloow iyo Farbaraki, oo dhammaan hoostaga Degmada Balcad ee gobalka Shabellaha Dhexe.

Deegaanadan ciidamada la wareegeen ayaa horey waxaa ugu sugnaa dagaalyahada Al Shabaan, waxaana howlgalkan bilowday lagu doonayaa in Al Shabaab looga saaro gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Related posts

Shuruudaha laga rabo Shirkadaha diyaaradaha ee u tartamaya u adeegga Xujeyda oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade

Nin Dil kasoo geestay magaalada Laascaanood oo lagu qabtay Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo Wareegto ku magacaabay guddi ka kooban 8 xubnood (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---