Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Ciidamo hor leh oo gaaray degaanka Yasooman iyo Wararkii u dambeeyey (Sawirro)

Ciidamo fara badan ayaa saacadihii ugu dambeeyey gaaray gurmad ahaan degaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan iyo nawaaxigiisa

Sida wararku sheegayaan ciidamadan oo ah  kuwa degaanka iyo Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed sida Ciidamada kumaandoska DANAB iyo Ciidamo ka tirsan qeybta 21aad

Ciidamadaan oo ah qeybtii labaad ayaa ka kala timid Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, iyagoo qeyb ka noqonaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda meelo ka mid ah Gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa horkacayo Gulufka dagaal ee Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ka wadaan Gobolka Hiiraan, iyaga oo degaano dhowr ah kala wareegay Al-Shabaab.

Gobolka hiiraan ayaa la ciirciiraya ciidamadii ugu badnaa dowlada Somalia iyo kuwa degaanka oo dagaal adag kala horjeeda kooxda Al-shabaab oo damacsan iney dagaal ku soo ceshato degaanadii laga saaray ee gobolka Hiiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo Caawa magacaabay Wasiiro cusub oo kamid noqonaya maamulkiisa

Cabdi Cade

Meyd saakay laga soo saaray dhismaha Dabaqii xalay kusoo dumay Muqdisho

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo Madaafiic ku weerartay saldhig ay degan yihiin Ciidamo Maraykan ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---