Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo arrimo Muhiim ah kala hadlay Demeke Mekonnen (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa galabta kulan kula qaatay magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Dibbeda Ethiopia, Mudane Demeke Mekonnen.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee deriska -isla markaana iskaashi xooggan looga sameyn lahaa arrimaha amniga, ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay xiriirkoodu ahaa mid aan wanaagsaneyn, waxaana xukuumadda Soomaaliya ka shaqeeneysaa sidii loo soo celin lahaa xiriirka labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta soo gaaray magaalada Addis Ababa, iyaga oo ka qaybgalaya shirka Tana Forum oo looga hadlayo arrimaha amniga ee qaaradda Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Cabdi Xaashi oo qoraal xasaasi ah u diray Madaxweyne Qoor-qoor

Caydiid Ali

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo furmay iyo qodobada looga hadlayo oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Villa Somalia doorashada Golaha shacabka ka wareejineyso B/Weyne?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---