Maxamed Bin Salman oo Ra’isul Wasaare laga dhigay iyo Wiilal la dhashay oo Wasiiro noqday

Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golaha wasiiradda Sacuudiga, waxaana meesha laga saaray wasiirro saameyn lahaa, halka kuwa kale oo cusubna lagu soo daray xukuumadda.

Wareegta kasoo baxday Boqorka ayaa Dhaxal-sugaha Boqortooyadda Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo horey u ahaa wasiirka gaashaandhigga  loogu magacaabay in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha boqortooyada.

Boqor Salmaan ayaa sidoo kale wiilkiisa Amiir Khalid Bin Salman uu u magacaabay wasiirka gaashaandhigga, halka Amiir Abdulaziz bin Salman, oo isna wiilashada boqorka kamid ah  laga dhigay wasiirka tamarta.

Isku shaandheynta lagu sameeyay xukuumadda Sacuudiga ayaan saameyn ku yeelan wasiirka arrimaha dibedda Amiir Faisal bin Farhan Al Saud, Wasiirka Maaliyadda Mohammed al-Jadaan iyo Wasiirka Maalgashiga Khalid al-Falih kuwaa oo kusoo noqday boosaskoodii.

Dhaxal sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salman oo horey u ahaa Wasiirka Gaashaandhigga ayaa hadda loo dalacsiiyay Ra’isul Wasaare, waxaana sii kordhay awoodda iyo saameynta uu ku dhax leeyahay Boqortooyada Sacuudiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -