Ikraan Tahliil Hooyadeed oo fariin u dirtay Xassan Shiikh iyo Mahad Salaad

Qaali Guhaad oo ah Ikraan Tahliil hooyadeed ayaa farriin u dirtay Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Agaasimaha NISA Mahad Salaad, iyadoo dalbatay iney fuliyaan balanqaadkii ahaa iney cadaalad u raadin doonaan gabadheed.

Waxay sheegtay iney aamusneyd bilahan si ay uga war sugto inta ay ka saldhiganayaan madaxda cusub ee dowlada oo ku jiray xili kala guur ah.

“Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ka rabay Cadaalad inaan ka helo, Cadaalad ma heysto, shalay waxaa u ololeyneyseen Ikraan inay Cadaalad, maanta aniga Cadaaladda meesha ka filayay inay fadhigeyga igu timaado oo aan aamusnaa, wax isoo socdo waa la’ahay, waxaan rabaa Kiiska Maxkamadda inaa dardar gelisiin”ayey Qaali Guhaad oo la hadashay telefishinka Universal.

Qaali Guhaad waxay sheegtay in madaxda shalay mucaaradka ahaa ee hadda talada dalka la wareegay ay ka fileysay welina ka fileyso iney baaritaan ku sameeyaan halka ay ku dambeysay gabadheeda iyo iney cadaalad hesho.

Waxay ugu baaqday madaxda dowlada iney kiiska gabadheeda u soo jeestaan, kana soo baxaan balantii ay qaadeen xiligii ay mucaaradka ahaayeen.

HOOS KA DAAWO HADALKA QAALI GUHAAD

- Advertisement -