Allbanaadir.com
NEWS

Macalin wax dhiga dugsi Quraan oo dilay gabar ka mid aheyd ardaydiisa

Macalin wax ka dhiga dugsi Quraan ku yaalla xaafada Xamar jadiid ee Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu dilay gabar yar oo ka mid aheyd ardaydii uu Quraanka barayey.

Dilkan ayaa la sheegay inuu yimid ka dib markii macalinka uu madaxa kaga dhuftay gabadha ul uu ku garaacayey.

Gabadha yar ayaa la sheegay iney si lama ugu geeriyootay usha macalinka ee madaxa ka haleeshay iyadoo dhacdadan ay noqotay mid ay si weyn uga naxeen dadka degaanka.

Qaar ka mid ah dadka xaafada Xamar jadiid ayaa sheegay in gabadhan yar ay tahay ardaygii labaad ee muddo ka dib Macalinkan gacantiisa ku baxda isagoo garaacaya.

Maamulka degmada Warta Nabada iyo laamaha amniga degmadaas ayaan ka hadlin dhacdadan, lamana sheegin wax talaabo ah oo laga qaaday Macalinkan oo la sheegay inuu si adag u garaaco ardayda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka Khaatumo oo ku hanjabay in dagaal ku qabsanayaan Ceerigaabo

Cabdi Cade

Xubno ka tirsan Al Shabaab oo lagu dilay duqeyn cirka ah oo ka dhacday degmada..

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo la wareegtay degaan u dhexeeya Balcad iyo Jowhar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---