Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Deni oo qaabilay Abshir Cumar Huruuse & wafdiga uu horkacayo

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa  Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Federaalka  ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibedda Mudane Abshir Cumar Huruuse.

Waxaa Madaxweynaha kulanka ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Wasiirka Arrimaha dibedda Mudane Abshir Cumar Huruuse oo hogaaminaya wafdi hordhac u ah Madaxweynaha Somalia oo maalmaha soo socda ku wajahan magaalada Garoowe.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula qaatay qaar ka mid ah isimada Puntland, waxaana ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo qaarka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada.

Isimada Puntland ayaa u taagan ka shaqeynta nabadeynta bulshada iyo horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana Madaxweynuhu ku boggaadiyey sida wanaagsan ee ay uga shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida Bulshada.

Related posts

Amar wadajir uga soo baxay Puntland iyo Galmudug oo ka dhaqan galay Gaalkacyo

Caydiid Ali

Xogta kulan dhexmaray Guuleed & danjire Ahmed Bin Mohamed Al-Muwallad (Sawirro)

Caydiid Ali

Masuuliyiin ku dhaawacmay dagaal xalay ka dhacay degmada Qoryooley

Caydiid Ali
Taboola Ads ---