Madaxweyne Muuse Biixi oo fariin u diray shacabka ku nool Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Munaasibadda curashada Sannadka cusub ee Islaamka 1444-ka (Hijiriyada) awgeed uu Hambalyo, Bogaadin iyo ducoba u diray guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaan Shacbiga Somaliland Meel ay Joogaanba.

Muuse Biixi ayaa waxa uu Hambalyo taas la mida u dirayaa Waddammada iyo shucuubta muslimiinta ah ee dacallada dunida ku nool, isagoo ku tahniyadaynaya curashada sannadka cusub ee Islaamka oo ku beegan Berri oo Sabti ah, taariikhda Milaadiga ahina tahay 30/07/2022.

Madaxweynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa inuu shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sannadkan Sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu Shucuubta Islaamka iyo Shacbiga Somalilandba u rajaynayaa in Sannadkan cusubi ula kowsada Barwaaqo iyo Horumar aynu sannadka sannadkiisa ku gaadhno, kagana baxno Abaaraha soo noq-noqday.

 

- Advertisement -