Dowlada Turkiga oo baadi goobeysa nin la baxsaday lacag gaareysa 2 Bilyan Dollar

Dowlada Turkiga yaaa baadi goob xoogan ugu jirta soo qabashada nin lagu eedeeyay in lacag gaareysa 2 Bilyan oo dollar kala baxsaday dad badan oo maalgashi ku sameeyay shirkad uu leeyahay.

Warbaahinta dowlada Turkiga ayaa shaacisay in Faruk Fatih Ozer, oo ah aas aasaha  xarunta ganacsi ee lacagta dhanka online-ka ah ee loo yaqaan ‘cryptocurrency uu la baxsaday lacag gaareysa 2 bilyan oo dollar.

Faruk Fatih ayaa la sheegay in uu u baxsaday dalka Albania uu hada ku sugan yahay, waxaana ninkan la sheegay lacagta tirada badan uu la baxsaday in ay lahaayeen 391,000 qof  oomaalgashadeyaal ah.

Ciidamada booliiska dalka Turkiga ayaa xabsiga dhigay dad ka badan 60-qof oo la sheegay in xiriir la leeyihiin ninkan lacagta badan la baxsaday, waxa ayna booliiska wadaan howlgalo kale oo lagu soo qabanayo dad ninkan ku dhaw dhaw.

Ninka dowlada Turkiga baadi goobeyso ayaa beeniyay eedeynta loo jeediyay ee ah in lacag badan la baxsaday, waxa uuna ninkan sheegay in dalka Albania u joogo howlo shaqo iyo sidoo kale shirar.

Wasiirka arrimaha gudaha Suleyman Soylu ayaa la hadlay dhigiisa dalka Albania, waxa uuna kala hadlay sidii dowlada Turkiga loogu soo wareejin lahaa ninkan baxsadka ha ee lacagta badan Turkiga kala goostay.

Dowlada Turkiga ayaa sidoo kale jartay waaran caalami ah oo lagu soo xiri karo ninkan baxsadka ha, waxaana soo qabashada ninkan gacan ka geesanaya booliiska caalamiga ah ee loo yaqaan Interpol.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -