Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaal ka dhex qarxay Al-Shabaabkii ka gudbay aaga Feerfeer & ciidanka Liyu Boolis

Dagaal u dhexeeyay Ciidamada Liyuu booliska iyo dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa maanta duhurkii ka dhacay deegaanka Laas-qurun oo aan ka fogeyn xarunta degmada Feer-Feer oo ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida, kuna dhow xadka gobolka Hiiraan.

Ciidamada Liyuu Booliska ayaa la sheegay inay dagaal ku qaadeen dagaalyahannada Shabaab oo kasoo tallaabay dhinaca Soomaaliya.

Rasaasta ayaa la sheegay in laga maqlayo Feer-Feer oo qiyaastii 20 km u jirta goobta lagu dagaalamayo oo ah gudaha xadka Itoobiya.

Lama ogo khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo daba socda dagaal kale oo labada dhinac ku dhexmaray degaanada Yeed iyo Aato oo ku taalla gobolka Bakool ee dalka Somalia uu la wadaago dowlad degaanka Soomaalida.

Maamulka dowlad degaanka ayaa dagaal saddex cisho socday ka sheegay iney laayeen in ka badan 100 dagaalyahan oo qiyaastii 70km gudaha u galay dhinaca Itoobiya, ayna ka gubeen hub iyo gaadiid badan, qaar kalena ka qabsadeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dilkii Argagaxa lahaa ee loo geestay George Floyd oo Furay Albaabada Sharta !!

Cabdi Cade

Farmaajo oo qaaday tallaabo uu horey ugu dhaliili jiray madaxdii isaga ka horreysay !

Cabdi Cade

Jubbaland oo war kasoo saartay Xil ka qaadistii Fahad Yaasiin iyo Go’aankii Farmaajo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---