Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo ku hanjabay in Jawaab deg deg ah ka bixinayaan Weerar Al Shabaab geesteen

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa amray hey’adaha kala duwan ee amniga iyo gargaarka inay si deg deg ah uga jawaabaan xaaladda gobolka Bakool oo deegaanno ka mid ah ay falal amni darro ah ka geysteen kooxaha argagixisada.

Amarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii uu khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen oo warbixin ka siiyay deegaannada ay kooxuhu ka geysteen falalka argagixisada ah.

Ra’iisul Wasaare Xamse waxa uu ballanqaaday in dowladdu ay jawaab deg deg ah la bixin doonto dhibaatada ay geysteen kooxaha nabad-diidka ah, isla markaana gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka deegaannada Yeed, Washaaqo iyo Aato ee ay dhibaatadu soo gaartay.

Hadalkan kasoo baxay Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa imaanaya xilli Al Shabaab shalay deegaano katirsan gobolka Bakool gaar ahaan xadka Itoobiya ku qaadeen weerar khasaaro badan geestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Isbitaalka taqasusiga ah ee DALMAR oo xarun labaad ka furtay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Somalia iyo Mareykanka oo isla gartay in la joojiyo Taageerada la siiyo Cutub katirsan …

admin

Madaxweyne kala diray dhamaan Golihiisa Waiirada kadib codsi loo diray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---