Hay’adda duulista rayidka oo ka hadashay shilkii dayuuradeed ee garoonka Aadan cadde

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa warbixin kooban ka soo saartay shilkii diyaarada ee maanta ka dhacay Aden Abdulle International Airpot (AAIA) ee magaalada Muqdisho.

Qoraal ay soo saartay Hay’adda Duulista Rayidka ayaa sheegay in lagu Dhammaan 36 qof oo saarnaa diyaarad nooceedu yahay Fokker 50 ay ka badbaadeen shilkaas kadib markii ay diyaaraddu gashay shil xilli ay soo degaysay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Hay’adda Duulista Rayidka ayaa intaas ku dartay in diyaaraddu ay u kiraysnayd shirkadda Jubba Airsways, hase yeeshee ay ka diiwaangashan tahay dalka Kenya.

War saxaafadeed ay soo saartay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa u qorna sidatan:-

- Advertisement -