Allbanaadir.com
NEWS

Al-Shabaab oo fagaare ku yaalla degmada Jilib ku toogatay labo nin oo lagu eedeeyey..

Fagaare ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubada hoose oo dad badan la isugu keenay ayaa galinkii dambe ee maanta waxaa ka dhacay xukun dil ah oo al-shabaab ay ku fulisay labo nin.

Xukunkan oo la sheegay inuu ahaa mid qisaas ah Waxaa lagu fuliyay labada nin oo lagu kala magacaabo Gaabow Yare Ibraahim oo 36 Sano jir ah iyo Maxamed Bashiir Cabdi oo 29 Sano jir ah kuwaasoo lagu eedeeyey dhowaan iney dil u geysteen nin Xoolo dhaqato ah oo lagu magacaabi jiray Guudle Caddaan Xasan oo dilkiisu ka dhacay miyiga  Degaanka Galsheeq Abiikar ee hoos yimaada Degmada Jilib sida ay sheegtay maxkamada Al-shabaab.

Qaadiga Maxkamadda Al-shabaab u qaabilsan Jubbooyinka ayaa fagaaraha ka aqriyay xukunkan qisaasta ah ee lagu fuliyay labadaasi ruux ee falka dilka ah lagu eedeeyey.

Xarakada Al-Shabaab ayaa degaanada ay ka taliso ee koonfurta iyo bartamaha Somalia waxay had iyo jeer ka fuliyaan xukuno iskugu jira dil, gacan goyn iyo kuwo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

Related posts

War murtiyeed ka soo baxay Beesha caalamka oo lagu taageeray hal abuurka RW Khayre (Akhriso)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Khadka Telfoonka kula hadlay Madaxweyne Al Siisi

Cabdi Cade

Madaxweyne Xassan Shiikh oo caawa ku hoyanaaya degmo ka tirsan Sh/dhexe (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---