Daraasad cusub ayaa lagu soo bandhigay xog sharraxaysa xiriirka ka dhaxeeya cunista kalluunka iyo cudurka dilaaga ah ee kansarka.
Hay’adda caafimaadka Qaranka ee UK, oo magaceeda loo soo gaabiyo NHS, ayaa ku talisay in isbuucii ilaa labo jeer la cuno kalluunka oo lagu dheelli tiray raashinka kale, gaar ahaan kalluunka saliidda leh oo qiyaastiisu ay la egtahay ilaa 140g (4.9oz).
Hase yeeshee, cilmi baareyaal Mareykan ah ayaa ka digay in isbuucii labo jeer la cuno kalluun, iyagoo sheegay in taasi ay dadka ku kordhinayso halista ay ugu jiraan inuu ku dhaco kansarka maqaarka oo ka mid ah noocyada ugu khatarta badan.
Daraasad ay khubaradan ka soo saareen Jaamacadda Brown, oo lagu baahiyay telefishinka Sky News iyo warbaahinno kale oo caalami ah, ayay ku ogaadeen in dadka maalin kasta cuna kalluun uu xaddigiisu gaarayo 42.8g (oo kalluunka ay isbuucii cunaan uu gaari karo ilaa 300g) ay 22% kordheyso halista ay ugu jiraan kansarka ku dhaca maqaarka ee dhimashada sababa.
Waxay dadkaasi khatarta uga badan yihiin dadka isbuucii isticmaala kalluun gaaraya ilaa 3.2g.
Daraasaddan ayaa sidoo kale lagu ogaaday in dadka cuna kalluun intaas kasii badan ay 28% u badan tahay in uu jirkooda gudaha ku samaysto unugyo qeyrul caadi ah oo kasoo baxa maqaarka gudihiisa. Xaladdan ayay khubaradu ku tilmaameen mid hordhac u ah kansarka oo ugu dambayn dhalin karta cudurka dilaaga ah.
Cilmi baaristan oo laga sameeyay gudaha Mareykanka waxaa ka qayb galay ilaa 491,367 qof oo dad waawayn ah, ama ay da’doodu ku dhow dahay 62 sano.
Dadka daraasadda loogu kuur galayay ayaa xog kasoo gudbinayay sida ay u cunayeen kalluunka la dubay, midka aan la dubin iyo kalluunka lasoo warshadeeyay. Waxaa la barbar dhigayay xaddiga kalluunka ay isticmaalayeen sanadkii ka horreeyay kaas.
Cilmi baareyaasha ayaa markaas kaddib xisaabiyay inta ay la eg yihiin kiisaska kansarka maqaarka ee la arkay 15-kii sano ee lasoo dhaafay, iyagoo isticmaalayay xogta ay ka heleen xarumaha diiwaangelinta bukaannada kansarka.
Waxay sidoo kale u kuur galeen arrimo kale oo saamayn ku yeelan kara natiijada, sida miisaanka qofka, dadka sigaarka caba iyo kuwa khamriga caba. Waxay xitaa si gaar ah u eegayeen haddii uu jiro nooc kansar ah oo qofka uu qoyskiisa ka dhaxlo.
Khubaradu ma aysan helin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya kalluunka la dubay iyo cudurka kansarka maqaarka balse waxay ogaadeen in cunitaanka ilaa 17.8g oo kalluunka aan la dubin ah ay sababi karto khatar 18% ah oo uu qofka ugu jiro in uu ku dhaco kansarka maqaarka.
Dadka maalin kasta cuna 14.2g oo kalluunka warshadeysan ah halkii ay cuni lahaayeen 0.3g ayaa iyagana la ogaaday in ay khatar 20% ka sarraysa dadka kale ugu jiraan cudurka halista ah.
Eunyoung Ch oo ka mid ah aqoonyahannada qoray daraasaddan ayaa yiri: “Waxaan shaacinnay in natiijada aan soo saarnay ay ku timid maadooyin ku jira kalluunka, sida kiimikada BCBs, sunta loo yaqaanno dioxins, arsenic iyo mercury.”
Hase yeeshee Dr Michael Jones, oo ah seynisyahan ku xeel dheer cilmi baarista kansarka ayaa sheegay in ay suuragal tahay in dadka sida xad dhaafka ah u isticmaala kalluunka aan la dubin iyo kalluunka warshadeysan ay sidoo kale isticmaalaan waxyaabo kale oo kordhiya khatarta ay ugu jiraan cudurka.
Source-BBC
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://www.youtube.com/watch?v=9dmw8Q9UnFA&t=2s